4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 25, 2020
Imtixaanka Fasalka 12aad ee dalka Itoobiya oo dib loo dhiggay

 

Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) Sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada ee dalka Itoobiya waxaa dib loo dhigay ilaa wakhti aan la shaacin imtixaankii fasalka 12aad ee Itoobiya. 

Haddaba Imtixaanka dib loo dhigay ayeey Wasaaraddu ku sababaysay maadaama dalku ku jiro xaalad amni,  sidaa daraadeedna ilaa wakhti aan la xadidin dib loogu dhigay imtixaankii fasalka 12aad ee dalka Itoobiya. 

Sidoo kale waxay dawladdu shaacisay imtixaanka fasalka 8aad, oo la qaadi doono inta u dhaxaysa bisha soo socota ee December 10keeda sannadka 2020, ilaa 8da bisha 1aad ee sannadka 2021. 

Dawladda ayaa wali dagaal kula jirta xoogagga daacadda u ah TPLF ee degaanka Tigray, waxayna sababi kartaa in haddii uu dagaalkani sii socdo in imtixaanaadka 12aadku uu marba dib usii dhaco. 

Abdilahi Jawhar
Hiiraan Online