4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2020
Yuusuf Dabageed oo ka hadlay wararka sheegaya in Baledweyne loo diiday madaxweynaha Hirshabeelle
 

Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay ineysan jirin cid diidan imaasha Cali Guudlaawe ee magaalada Baledweyne.

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed " majirto hal qof oo diidan madaxweyne Cali Guudlaawe oo ku sugan deegaanada Hirshabeeelle waana imaanaya Baledweyne waxii ka dambeeya maalinta khamiista" ayuu yiri Yuusuf Dabageed

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa imaanaya xili maalintii shalay aheyd uu ka baaqday madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe safar uu ku tagi lahaa magalada Baledweyne kadib markii ay soo baxeen hanjabaado kasoo yeeray dhaqdhaqaaq ciidan oo ku sugan duleedka magaalada Baledweyne oo ahaa inuusan imaan karin Baledweyne madaxweynaha Hirshabeelle hadii uu yimaadana ay la dagaalami doonaan taaso keentay inuu dib u dhac ku yimaado safarkii madaxweynaha Hirshabeelle.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa dhankiisa sheegay inuu dhameeyay tabashoyinkii jiray uuna diyaar u yahay inuu qanciyo cid kasta oo tabasho qabta sida uu hadalka u dhigay Yuusuf Dabageed.

Waxaa sidoo kale jiray maalmahii lasoo dhaafay kulamo dhexmaray maamulka gobolka iyo Sarakiisha ciidamada ka amar qaadato Janaraalka lagu magacaabo Abuukar Xuud oo kusoo dhamaaday fashil iyo is af garan waa.

Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ayaa walaac xoogan ka muujinaya dhaqdhaqaaqa ciidan ee ka jira deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii Baledweyne kaga beegan 13 KM.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]