4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2020
Askari katirsan ciidanka dowladda oo shan kamid ah qoyskiisa ku laayay Muqdisho
 

Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Askari katirsan ciidanka dowladda ayaa dilay shan kamid ah qoyskiisa iyo dhaawaca mid kale kadib markii uu ku tuuray bombo gacmeed xilli ay ku sugnaayeen hoygooda oo kuyaala degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Askariga ayaa sidoo kale ku dhaawacmay falkaan uu geystay.

Qaar kamid ehelada qoyska ayaa warbaahinta u sheegay in askariga, khilaaf kala dhexeeyay qoyskiisa darteed uu falkaan u geystay, iyagoo sheegay in horey looga dhigay qori uu sidan jiray oo looga cabsi qabay inuu ku weeraro qoyska.

Dadka dhintay waxaa kamid ahaa waalidiintiisa iyo walaalihiisa, kuwaas oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku haysa eedeesanaha oo xilligaan laga dabiibayo dhaawac kasoo garaay bombada uu ku tuuray qoykiisa.

Dhacdooyinka nuucaan lamid ah ayaa kusoo badanayay magaalada Muqdisho iyo degaanada ku dhow, iyadoo fal midkaan u dhow uu ka dhacay duleedka Muqdisho kadib markii qof hubaysan uu laayay qoyska Xaas ay kala tageen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]