4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 23, 2020
Human Rights Watch oo dowladda ku dhalleecaysay in ay ka gaabisay baaritaanka shaqaalihii caafimaad ee lagu dilay Golalay
 

Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay xoojiso baaritaanada dilkii loo geystay toddobo shaqaale caafimaad, kuwaas oo bishii May ee sanadkan lagu dilay tuulada Gololay ee degmada Balcad.

Lix bilood kadib. Human Rights ayaa sheegtay baaritaanada dowladda in aysan keenin xarig ama dacwad qaadis, xilli ay qoysaska dhibbanayaasha weli cadaalada sugayaan.

27-kii May abbaarihii 1:30 duhurnimo, dabley hubeysan oo wajiyada soo duubtay ayaa howlwadeenadan ka afduubtay xarun caafimaad oo aan dawli ahayn, oo ku taalay tuulada Gololey, degmada Balcad.

Dhowr goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga hubeysnaa - seddex kamid ah ku labisnaayeen dareyska milatariga Soomaaliya, mid kalena uu ku labisnaa dareeska booliska, halka mid kalena uu watay dharka shacabka.

Galabnimadii 28-kii May, dadka deegaanka ayaa helay meydadka howlwadeenada caafimaadka ee la afduubtay.

Laetitia Bader, oo ah agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch, ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay culeys weyn saarto maxkamadeynta kuwa mas'uulka ka ah si haboonna u magdhawdo qoysaska dhibanayaasha.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka. Kooxda Al-Shabab ayaa beenisay inay wax lug ah ku lahayd arintaasi, sidoo kale taliyaha ciidamada xoogga ayaa beeniyay eedaymo hordhac ah oo uga imanayay dadka deegaanka.

Sida laga soo xigtay Macluumaadka ka soo baxay Natiijada amniga Shaqaalaha gargaarka, 14 shaqaale samafal ah, ayaa sanadkaan lagu dilay Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]