Axad, November, 22, 2020 (HOL) - Maxkamadda gobolka Togdheer ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Sakariye Cabdi Yuusuf, oo la sheegay in lagu helay dambi ah in uu Kufsi iyo dil u gaystay Marxuumad Ugbaad Cali Cabdilaahi, oo ahayd gabadh Dhallinyaro ah.
newsinsideUgbaad Cali Cabdilaahi oo ahayd Hooyo saddex carruur ah haysatay ayaa kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Burco ee Somaliland, waxaana eedeesanaha maanta kiiskaan loo xukumay uu horey u qirtay inuu isaga ka dambeeyay falkaan.
Ninkaan ayaa booliiska isku dhiibay kadib markii uu u sheegay inuu isagu falkaas ka dambeeyay.
Warbixino horey loo baahiyay ayaa sheegayay in marxuumada iyo dambiilaha falkaan geystay ay isku guri degnaayeen, balse qoyska gabadha ayaa beeniyay inuu jiray xiriir u dhexeeyay labadooda.