4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 14, 2020
Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo magacaabay guddi baaritaan ku saameeya saameynta Covid-19
 

Sabti, November, 14, 2020 (HOL) - Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa magacaabay guddiga loogu talagay in ay warbixin kasoo diyaariyaan sameynta Cudurka Covid-19.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa ogaanaya in shacabka Soomaaliyeed uu si siman u gaaray adeega caafimaad ee looga hortagayay cudurka safmarka ee Covdi19.

Guddiga oo ka kooban 9 xildhibaan ayaa sidoo kale loo xilsaaray in ay soo bandhigaan dhaqaalaha dowladda soo gaaray iyo sida loogu isticmaalay ka hortaga Covid-19.

Magacaabidda guddigan ayaa kusoo aadaysa, iyadoo Soomaaliya ay ku jirto dalal Africaan ah oo kaalinta hore kaga jira musuq maasuq lagu sameeyay dhaqaalihii caalamku ugu talo galay in lagula dagaalamo Covid19.

Balse, dowladd Soomaaliya ayaa maxkamad u soo taagtay xabsiyo dhaadheerna u dirtay masuuliyiin dowladdeed oo ku lug lahaa musuq maasuqaas.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]