4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2020
Wasaarradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo u hambalyeeysay guddiggii soo xulista xildhibaannada Hirshabeelle

 

Axad, November, 01, 2020 (HOL)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay guddiggii soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle shaqadii ay soo qabteen.

War ka soo baxay Wasaarradda ayaa sidoo kale loogu hambalyeeyay Xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle iyo guud ahaan dhinacyadii ka qeybqaatay hannaanka geedi socodka soo xulista xildhibaannada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta  ayaa ku dhiiri-galisay in ay guddiga dhameystiraan inta ka harsan dhismaha Hirshabeellada cusub.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasaarradda :

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]