4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2020
Dowladda oo dishay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab

 

Axad, November, 01, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal gaar ah oo ay ka fulisay deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ay ku dishay sarkaal ka tirsanaa Ururka  Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamad dowladda gaar ahaan kuwa DANAB  ayaa sheegay in howlgalkan lagu dilay sarkaal magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cismaan Dhaga-Cadde kaasoo dhinaca warbaahinta u qaabilsanaa.

Gobolka Jubbada Dhexe ayaa  waxaa intiisa badan gacanta ku hahay oo maamulka xoogga Ururka Al-shabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira sheegashada saraakiisha ciidamada dowladda ee la xiriira dilka sarkaalkan sare.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]