4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 31, 2020
10 qof oo ku dhintay qarax miino oo haleelay gaari shacab ah oo marayay degaanka Lafoole
 

Axad, May 31, 2020 (HOL) - Ugu yaraan 10 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday 13 kalena way ku dhaawcmeen qarax miino oo haleeyay gaari hoomay ah oo marayay wadada Lafoole ee gobolka Shabeeladda hoose.

Gaariga ayaa kusii jeeday degaanka daafeed ee isla gobolkaas.

Lama oga cida falkaan ka dambeysay, hase yeeshee ma ahan markii ugu horeysay oo fal caynkaan oo kale ah uu ka dhaco gobolka Shabeeladda hoose.

Sanadkii 2017, 10 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday Qarax Miino oo haleelay Gaari Homey ah oo ka soo ambabaxay deegaanka Buulo Mareer kunasii jeeday magaalad Marka.

Bishii June, 2016, 18 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday kadib markii qarax miino uu haleelay baabuur ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye

Qaraxyada caynkan ayaa la aaminsan yahay inay yihiin qaraxyo wadada lagu aaso oo mararka qaarkood lagu bartilmaameesado ciiddanka dowladda Soomaaliya ee isticmaala wadada Muqdisho iyo Afgooye oo ah wado halis ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]