4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 29, 2020
Mid kamid ah la taliyayaasha Trump oo VOA-da si adag u dhaliilay
 

Jimco, May 29, 2020 (HOL) - Mid kamid ah la taliyayaasha sare ee madaxweyne Donald Trump oo lagu magacaabo Brain Hook  ayaa waxa uu dhaleeceyn usoo jeediyay idaacadda Codka Mareykanka “VOA” isagoo ku eedeeyay in ay Afhayeen u noqotay dowladda Iiiraan.

Aragtidiisa ayaa waxay dhalineysaa dood adag, kadib markii Arbacadii qoraalkiisa uu kusoo baxay Wargeyska The New York Times Post uu noqday mid si weyn looga hadal hayo Aqalka cad.

“Maxay canshuur bixiyayaasha Mareykanka ah u sameeyeen “Idaacadda Codka Mulla” Iiraan “ ayuu ku sheegay qoraalkiisa oo ku socday Aqalka cad Brain Hook , waxa uuna dhalan rogay magacii Idaacadda Codka Mareykanka, isagoo ka dhigay raadiye ku hadla Codka wadaadka ugu sarreeya ee talada Iiraan.

Ninkaan ayaa waxa sidoo kale uu la taliye u yahay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo.  Eedeyntiisa ayaa waxa ay ku qotontaa mid uu Idaacadda ku dhaliilayo in ay dacaayad u sameyneyso dowladda Iiraan oo ay aad u kala fogyihiin Mareykanka .

VOA-da ayaa waxaa la aas-aasay sanadkii 1942-dii, ujeedka hawada loo galiyayna waxay aheyd in siyaasadda Mareykanka loogu sheego dhageystayaasha Caalamka, waxay ku hadashaa luuqado kala duwan oo ay kamid tahay Afka Persia.

Brain Hook wuxuu aaminsanyahay in Idaacaddu ay gabtay dowrkii ay ku laheyd siyaasadda labada dhinac u dhexeysa ee Mareykanka iyo Iiraan, islamarkaana ay iibiso aragtida dowladda .

 Bilowgii bishaan madaxweyne Trump ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn hannaanka Idaacaddu u tebineyso xanuunka COVID-19, waxa uu sidoo kale sheegay in ay noqotay bar la mariyo dacaayadaha Shiinaha .

Sanadkii 2014-kii dhowr xildhibaan oo wada jira, kana tirsan Congress-ka  ayaa codsaday in baaritaan lagu sameeyo laanta Afka Persia ee VOA-da , kadib markii  eedo loo jeediyay.

Idaacadda Codka Mareykanka ayaa hadda waxay kamid tahay warbaahinta aadka looga dhageysto dunida, si gaar ah, Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa aad looga dhageystaa gudaha Soomaaliya, iyadoo wararka iyo xogaha ay soo gudbiso bulshadu ay aad ugu xiranyihiin marka lagu qiimeeyo sida dalka looga dhageysto.

Hiiraan Online News disk