4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2020
Somaliland oo laga helay kiisas badan oo Coronavirus ah
 

Khamiis, May 28, 2020 (HOL) - War kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in kiisas badan oo gaaray 32 xaalad oo cusub oo ah xanuunka COVID-19 laga helay deegannadaasi, kadib markii baaritaan lagu sameeyay dad badan oo looga shakisnaa xanuunka.

Wasaaradda ayaa waxay tilmaantay in dhammaan dadkaasi loo sameynayo daryeel caafimaad oo la karaantiilay. Halka sidoo kale ay sheegtay in mid kamid ah bukaannadii xanuunkaasi qabay uu ugu dhintay magaalada Hargeysa.

Waxaa sidoo kale tafaasiil dheeraad ah laga bixiyay dadka maanta COVID-19 laga helay , iyadoo la tilmaamay in 21 ay rag yihiin, halka 11 ay dumar yihiin, kuwas oo ku kala nool magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Berbera.

Wasaaraddu waxay dadkaan laga helay Coronavirus oo cusub ay da’ahaan ku sheegtay 19 sano illa 89 jir.

Somaliland waxaa horay looga helay kiisas badan oo ah xanuunka Coronavirus, halka dhowr qof ay ka badbaadeen kuwa kelana ay u dhinteen, welina waxaa muuqato in xanuunka uu sii fidayo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]