4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 26, 2020
Puntland oo gacanta ku dhigtay xubno looga shakisan yahay Daacish iyo hubkoodii
 


Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Taliyaha booliiska ee gobolka Bari, gaashaanle sare Xusen Cali Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada booliisku ay xireen tuhmanayaal ka tirsan kooxda ISIS iyo hubkoodii kadib hawlgallo amni oo laga fuliyay Iskushuban, Toga jaceyl, Togga canjeel iyo Dooxa Gabin.

Qoraal kasoo baxay taliyaha booliiska gobolka Bari, ayaa lagu sheegay in laamaha amnigu dhawaan saxaafada usoo bandhigidoonaan tuhmanaayasha la qabtay iyo hubkooda marka lagu sameeyo baaritaan hordhac ah.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in xubnaha la qabtay ay ku jiraan saraakiil aad ugu dhow hoggaamiyaha kooxda Daacish ee degaanada Puntland Cabdulqaadir Muumin.

Puntland waxay muddooyinkii ugu dambeysa waday howlgallo ka dhan ah Daacish, iyadoo dhawaan sheegtay inay gacanta ku dhigtay madixii amniyaadka ee kooxda Daacish, kaasoo lagu qabtay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay gudaha magaalada Bosaso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]