4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2020
Mid kamid ah cayaartoydii kubada koleyga Soomaaliya oo ku geeriyooday London
 


Isniin, May 25, 2020 (HOL) - Allaha u naxariisto waxaa  magaalada London ee dalka Ingriiska ku geeriyooday Xasan faarax oo loo yaqaanay macalin joon. Wuxuu kamid ahaa cayaartoydii hore ee kubada Koleyga Soomaaliya.

Marxuumka ayaa in muddo ah ku xanuunsanayay dalka UK. Sida ay Hiiraan Online u sheegeen qaar kamid ah eheladiisa, waxayna inoo xaqiijiyeen in uusan u geeriyoon cudurka Covid19.

Allaha unaxariistee, Macalin joon wuxuu kamid ahaa ciyaartoydii u ciyaari jirtay kooxdii kubada koleyga ee madbacada Qaranka. Wuxuu sidoo kale tababare usoo noqday kooxaha muqdisho , somalifruit iyo inji waxuu mar noqday Tababaraha xulka qaranka wiilasha kubadda kolayga

Geeridiisa ayaa kusoo beegantay iyadoo Soomaaliya ay wayday labo kamid ah cayaartoydii hore.

Injineer Baana Cabdalla Cali oo ahaa mid ka mid ah xiddigihii kubadda koleyga dalka Soomaaliya ayaa dhawaan dalka UK, ugu geeriyooday cudurka Covid19.

Sidoo kale, Cabdiqaadir Maxamed Faarax (Biriq), oo isna ka mid ahaa ciyaartoydii hore, ayaa dalka Ingiriiska ugu geeriyooday cudurka Coranavurus.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]