Khamiis, May 14, 2020 (HOL) - Senator Bernie Sanders iyo Ilhan Omar waxay hogaaminayaan koox xildhibaano ah oo ka kala yimid laba iyo toban dal, iyagoo ugu yeeray Hay'adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka inay iska cafiyaan deynta dalalka ugu saboolsan adduunka ayna kor u qaadaan taageeradooda.
’’Jadwalka bixinta deynta ee ay ku dhawaaqday bishii hore kooxda 20 kuma filna in loo oggolaado waddammada in ay wax ka qabtaan dhibaatada, xildhibaannada, oo uu ku jiro U.K. Jeremy Corbyn, ayaa ku sheegay warqad Arbacadii.
Tallaabooyinkaan ayaa ah kuwa ugu yar ee ay tahay in hay’adahan lacageed ay sameeyaan si looga hortago koror aan la qiyaasi karin oo saboolnimo ah, gaajo, iyo cudur halis gelinaya boqolaal milyan oo qof,” ayuu Sanders ku sheegay hadal uu soo saaray.
Xildhibaannadu waxay ugu baaqeen IMF iyo World Bank inay baaqooda kagasoo jawaabaan muddo 15 maalmood ah.