Somaliland oo soo saartay go'aan ah in aanay dalka iman rakaabka ka imanaya Yurub iyo waqooyiga Maraykanka
Axad, Maarso, 29,2020 (HOL )–Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna gudoomiyaha guddida heer qaran ee u diyaar-garawga iyo ka hortaga xanuunka Covid 19 ayaa soo saaray go;aan ah in aanay dalka iman Karin rakaab ka imanaya dalalka Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka, kuwaas oo ay la socon karaan dad qaba cudurkan Covid19.
Guddidan ayaa ku amray diyaaradaha imanaya in aanay soo
qaadin dadkaasi ka imanaya Yurub iyo waqooyiga Maraykan, waxaanay soo saareen
labadan qodob.
1. In laga
bilaabo maalinta isniinta ee taariikhdu tahay 30 march,2020 aanay dalka usoo
safri Karin rakaabka ka imanaya dhamaan dalalka Yurub iyo waqooyiga Maraykanka.
2. Dhamaan
diyaaradaha Somaliland yimaada waxa lagu wargalinayaa in aanay rakaab ku soo
socda somaliland aanay ka soo qaadi Karin dalalka Yurub iyo waqooyiga
Maraykanka.
Dhinac kale, in ka
badan sideetan arday oo wax ka baran jirtay dalka Itoobiya ayaa loo soo
kireeyey Basaas waaweyn kuwaas oo maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa.
Illaa shalay xadka Somaliland ee la wadaagto Itoobiya wuu
xidhnaa waxaana xidhay Itoobiya waxaaana rakaab badan dib looga soo celiyey
magaalo qaran oo u dhexeysa Wajaale iyo Jigjiga, waxa kaliya ee Itoobiya ka
imanaya waa Jaadkii oo aan wali go;aan laga gaadhin.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.