Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa safiirka Shiinaha ee Soomaaliya kala wareegay Qalab Caafimaad Oo Qeyb Ka Qaadanaya Kahor tagga Faafitaanka COVID-19.
Qalabkaan caafimaad ayaa waxaa qayb ka ah qalabka dadka looga baaro caabuqa Corona iyo qalabka ay isticmaalaan dhaqaatiirta ka howl gala xarumaha caafimaad iyo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyo Caabuqa.
Waxaa ku deeqay maalqabeenka caanka ah ee reer China Jack Ma, oo ah ninka iska leh shirkadda caanka ah ee Alibaba. Qalabkaan waxaa horey loo gaarsiiyay wadamada Afrikaanka ee uu saameeyay cudurka Coronavirus.
Axmed Siciid Cabdulaahi, wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya, ayaa u mahad celiyay dowladda China iyo mulkilaha Alibaba, wuxuuna tilmaamay in ay waqti ku haboon qalabkaan soo gaarsiiyeen dowladda Soomaaliya.
Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bartiisa twitterka soo dhigay qoraal kooban oo uu ugu mahad celinayo Jack Ma iyo raysal Wasaaraha Ethiopia, Aby Ahmed oo fududeeyay in qalabkaan uu yimaada Somaliya.
Dowladda Soomaaliya, ayaa qaaday tillaabooyin looga hor tegayo faafitaanka cudurka, waxayna diyaariysay guddiyo ka shaqeeya daryeelka bulshada, xarumo lagu karaantiilo dadka looga shakiyo inay qabaan iyo xaruma kale oo dadka lagu daweeyo.