Xigasho VOA Somali
Axad, Maarso 22, 2020 - Wararka ka imanaya magaalada Afgooye ayaa sheegaya in qarax maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole lagu dilay taliyihii booliiska ee magaalada Afgooye.
Goobjoogayaasha ayaa idaacadda VOA u sheegay in qaraxaasi uu ka dhashaya miino lagu aasay waddada dhinaceeda oo ka dhacay jidka isku xira Afgooye iyo Muqdishu.
Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan miinooyinka ku aasa deegaankaas, isla markaana sheegta mas’uuliyadda weerarrada noocan ah.
Taliyaha la dilay Dhamme Cabdulqaadir Cusmaan Mursal Nuunow ayaa in muddo ah soo hoggaaminayey ciidamada booliiska ee magaalada Afgooye.