Isniin, Maarso, 02, 2020 (HOL)- Hoggaamiyaha ururka Ahlusuna waljamaaaca Macalin Maxamuud Sheikh Xasan, ayaa socdaal qarsoodi ah oo laga qariyay saxaafada ku yimid magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo HOL ay la xidhiidhtay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan ujeedada imaatinka Macalin Maxamuud, balse oo maalmo kahor lagala wareegay awoodii Ahlusunna ay ku lahayd gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Wararka aan helayno ayaa sheegaya in macalin Maxamuud uu kulan la yeelandoono madaxda Puntland kahor inta uusan u duulin magaalada Nairobi, halkaas oo uu ku wajahan yahay maalmaha soo socda.
Dhawaan, Puntland waxay sheegtay inay aad uga xun tahay sida loola dhaqmay Ahlusunna Waljamaaca, iyagoo ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay duulaan ku tahay goboladii nabdoonaa ee iska xoreeyay ururka Alshabaab.
Horey, Puntland iyo Ahlsunna ayaa isku mowqif ka taagnaa arrimaha ka socda Galmudug, waxaana jiray kulan madaxweyne Deni uu Garowe kula yeeshay Macalin Maxamuud Sheikh Xasan bishii january ee sannadkaan.