Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa si kumeel gaar ah hakisay howlaha waxbarashada muddo labo asbuuc ah oo ka bilaan doonta maalinka Sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay 21ka Maarso 2020 kuna eg Jimcaha 3da Abril 2020.
Wasiirka waxbarashada Puntland, Cabdulaahi Axmed Xasan ayaa sheegay in tilaabadaan looga golleeyahay iyadoo la eegayo xaalada guud ee xanuunka safmarka ah ee loo yaqaan "Coronavirus-19".
Xarumaha waxbarashada ee la fasaxay waxay kala yihiin, dugsiyada lagu barto Quraanka Kariimka ah, dusgiyada hoose/dhexe, sare, jaamacadaha, macaaahida iyo kuwa farsamada gacanta lagu barto, in ay u qaataan fasax kooban oo ay guryahooda ku joogayaan.
Dowladda federalka Soomaaliya ayaa horey tilaabadaan oo kale uga dhawaaqday dalka, si lamid ah maamulka Somaliland ayaa sidoo kale dhankooda qaatay go'aan mid lamid ah.
Hakinta howlaha waxbarashada waxay kusoo beegmaysaa xilli loo diyaar garoobayso imtixaanka midaysan ee sanad dugsiyeedka 2019/2020, kaasoo caadiyan bisha may la qabto.