Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Miinooyin ayaa lagu burburiyay afar kamid ah kaamirooyinkii hay’adda ammaanku ku xireen isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, si loola socda dhaqdhaqaqa amniga ee waddooyinkaas.
Saakay salaadii subax kadib, ayaa laga maqlay dhawaqa qaraxyada isgoysyada ay ku kala xirnaayeem qalabkaan, kuwaas oo kala ah, Waabari, Hodan iyo Howlwadaag.
Muddooyinkii ugu dambeysay, Muqdisho waxay kasoo kabanaysay qarayxadii ka dhici jiray, balse lama oga kaamirooyinkaan in ay kaalin ka qaateen sugida amniga magaalada Muqdisho.
Goobaha kaamirooyinkaan ay ku xirnaayeen waxay ahaayeen meelaha ugu badan ee ay kasoo gudbi jireen baabuurta qaraxyada lagusoo raray ee lagu weeraro xarumaha dowladda iyo hotelada magaalada Muqdisho.
Dhowr jeer oo horey ayaa sidan oo kale loo qarxiyay tabeelayaasha ay ku xirnaayeen Kaamirooyinka, waxaana muuqatay in dowladdu aysan masuuliyad ada iska saarin ilaalinta badqabka Kaamirooyinka xogta amniga ka caawinaya .