Isniin, Maarso, 16, 2020 (HOL)- Gudiga arimaha bulshada ee golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku baaqay in si deg deg ah dalka looga joojiyo Qaadka ka yimaada Dalalka Dariska ah.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka, Mahad Cabdalle Cawad ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya inuu qaado tilaabo degdeg ah oo lagu joojinayo Qaadka ka yimaada Kenya, maadaama Kenya uu ka dillaacay cudurka.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa walaac ka muujiyay in Qaadka loosoo dhoofiyo Soomaaliya uu soo raaci karo cudurka COVID 19, taasoo keeni karta musiibo aan lagasoo waaqsan.
“Dhaqaatiirtu waxay noo sheegeen in cudurka Coranavirus uu 9maalmood ku noolaan karo meel uu taabtay qof qaba cudurka. Marka Qaadkana waad ogtihiin gacmaha ayaa lagu guraa, gacmaha ayaa lagu qaadaa, waala rogrogaa, taasi waxay keeni kartaa in cudurka si fudud usoo raaco Qaadka la inoo keeno,” ayuu yidhi xubin katirsan guddiga arimaha bulshada ee soo saaray bayaanka joojinta Qaadka.
Masuuliyiinta ma aysan dalban in guud ahaan qaadka la joojiyo, balse waxay sheegeen in si kumeel gaar ah loo hakiyo, inta lagu jiro marxaladaan uu cudurka aad u faafayo, ayna dowladdu qorshaheeda ku darsado in Qaadku yahay meesha ugu sahlan ee cudurka Soomaaliya kasoo gali karo maalin kasta..
Tobanaan diyaaraddood oo Qaadka sida ayaa maalin kasta ka dega garoomada diyaaraddaha ee kuyaala Soomaaliya, iyagoo si toos uga yimaada Kenya.