Askari ku eedeysan dilka Nin ka diiday in uu beer ku fasho oo la xukumay
Axad, Maarso, 15, 2020 (HOL)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay xukun Maanta ku ridey Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda,kaas oo loo heysto in uu dad Shacab ah u geystay dil iyo dhaawac.
Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle ayaa loo heystaa
dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Xuseen Axmed Cabdulle iyo dhaawaca
Yaasiin Geedow Xuseen kadib markii ay ka biya diideen in uu ku fasho
Beer uu lahaa Eedeysanaha oo ku taal degmada Buullo Mareer 31 October
sanadkii tegay.
Taliska Ciidanka gaar ahaan Ururuka Lixaad ayaa ku
wareejiyay eedeysanaha Sedaxdii November 2019 Xafiiska Xeer Ilaalinta
Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna Xafiska isla xilligaas weydiistay
Garsoorka in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan
Cabdulle Hilowle garsuge ahaan.
Intaas kadib Xafiiska Xeer
Ilaalinta ayaa isku howlay hubinta sida ay wax uga dhaceen Buullo
Mareer, waxa uuna Xafiiska weydiistay in la muddeeyo dhageysiga eedda ka
dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle 29-kii
January sanadkan.
Maxkamadda ayaa aqbashay dhageysiga kiiskan
27-ka bishii ina dhaaftay, waxa ayna Maxkamadda u ogolaatay Xafiiska
Xeer Ilaalinta in ay soo bandhigaan cadeymaha iyo qodobada Sharci oo ay u
heysteen Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan kadib jeedinta Maxkamadda.
Xafiiska
ayaa ugu horeynba weydiistay Maxkamadda in loo ogolaad dhageysiga Sedax
Marag oo uu afar ku yahay Dhibane Yaasiin Geedow Xuseen.Markhaatiyaasha
oo ay Maxkamadda mid mid u weydiisay Marag furkooda ayaa si isku mid ah
isugu raacay in Eedeysana ay hadda ka hor u shaqeeyeen laakiin uu u
diiday inta ay ugu lahaayeen xaqa ka xoogsata ahaan, muddo kadib ayuu
Eedeysanah ugu yimid iyaga oo ka shaqeysnaya meel aan sidaas uga fogeyn
goobta beerta uu ku lahaa Eedeysanaha, waxa uu markale ka dalbaday in ay
u shaqeeyaan oo ay u falaan Beertiisa laakiin Xoogsatada ayaa
weydiistay in uu u hormariyo khidmada adeega loogu qabanayo, waana taas
sababta dhalisay dhimashada Marxuumka iyo dhaawaca mid kamid ah
Xoogsatadii.
Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka
Sida Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ka sheegay Fadhiga Maxkamadda
in Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle uu ula dhaqmay xoogsatada sidii in ay addooma u yihiin oo kale, Damaciisuna ahaa in uu dilo marxuum Xusseen Axmed Cabdulle ita kalane ay ugu shaqeeyaan si qasab ah, sidaas darteedna uu mudan yahay in la dha-dhansiiyo xanuunka Geerida.
Abuukaataha u dooday Eedeysanaha
ayaa Maxkamadda u sheegay in Dable xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle
Hilowle uu u riday xabadda si’ aysan xoogsatada isugu dhicin maadaama ay
ka tira badnaayeen sidaasna ay sababtay dhaawaca Yaasiin iyo dhimashada
Xuseen, sidaas darteed uu u codsanayo in loo Naxariisto Eedeysanaha
Maxkamadda hor taagan.
Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aamiyay
in Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle lagu xukumo dil
toogasha ah oo ah qisaaasta Marxuum Xuseen Axmed Cabdulle sida uu
dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute,
guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Xukunsanaha ayaa heysta Fursad 30-cisha oo ku qaadan Rafcaan Xukunka kadib.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]