Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Mar 14, 2020
Wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland oo ka hadashay qoraal laga baahiyey
Sabti, Maarso, 14, 2020 (HOL )– Wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland ayaa ka hadashay qoraal baraha buslshada wareegayey oo lagu sheegay in gabadh ka shaqaysa wasaaraasi masuulkii ka sareeyey ku faro xumeeyey, taas oo ay ku tilmaameen been abuur.
Wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha, gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha, agaasimaha guud ee wasaaradda iyo xoghaynta wasiirka ayaa si adag uga hadlay wararkaasi wax lagaga sheegay wasaaradda.
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Naasir Caydiid oo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxaanu ka hadlaynaa qoraal baraha bulshada la soo galiyey oo wax lagaga sheegayey wasaarada arrimaha gudaha, waxaanu cadaynaynaa in aanay waxba ka jirin eedaasi uu usoo jeediyey wasaaradda, waana been abuur iyo fadeexad uu inan yar oo Yurub jooga ka qoray wasaarada, waxaanu samaynay baadhitaan waxaana ogaanay in aanay waxba ka jirin, wasaarada wax maamule la yidhaahda kama jiraan ee agaasime waaxeedyo ayey leedahay, waxa kale oo uu sheegay in inantii wasaarada wax ka tirsanaysay saldhiga ku xidhan tahay mar kale waxa uu leeyahay waa la siidaayey, taliyihii saldhiga waanu u tagnay waxba kama jiraan buu yidhi ”
Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa sheegay in wiilka qoraalkaasi qorey hadii uu marag u hayo uu soo bandhigo, isla markaana qofka dambigaasi uu galay ku cadeeyo, haseyeeshee waxa uu gudoomiyuhu ku dhaliilay qoraalkaasi in aanay jirin qof ku cad qoraalkaasi iyo qofka dambiga tirsanaysa, baadhitaankii ay sameeyeena waxba ku soo waayeen.
“ waajibkayaga weeyi inaanu ilaalino xaquuqda dumarka iyo ragaba, hadii inankaasi wax qoray hayo wax marag muujinna ha keeno, idinka warbaahin ahaana xor baad u tihiin inaad arrintaasi dabagashaan oo baadhaan, baadhitaankii aanu samaynay waanu ku qanacnay in aanay waxba ka jirin, hablihii kale ee wasaarada joogay baa isku arkay in qoraalkaasi iyaga ku xadgudbay oo ceeb u arkay”ayuu yidhi gudoomiye Farxaan Haybe.
Qoraalkan lagu sheegayo in gabadh ka shaqaysa wasaarada lagu faro xumeeyey wasaarada, ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, waxaanay wasaaradu cadaysay in aanay eedahaasi waxba ka jirin baadhitaan ka dib.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.
Taliyihii ciidamada ilaalada kacaanka Iran oo u geeriyooday cudurka coranavirus
3/14/2020 4:25 PM EST
Sabti, Maarso, 14, 2020 (HOL)- General Nasser Shabani, oo ahaa taliyihii ciidamada ilaalada kacaanka Iran ayaa u geeriyooday cudurka coronavirus, ama COVID-19, sida ay soo warisay wakaalada wararka ee Fars.
Madaxweyne Trump oo laga baaray cudurka Coranavirus
3/14/2020 4:19 PM EST
Sabti, Maarso, 14, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay Sabtidii maanta inuu qaatay tijaabada baarista coronavirus.
Macalin Ibraahim Suudaani oo ahaa Tababarahii Xulka Kubadda Cagta & Naadigii Horseed oo ku geeryooday Minnesota
3/14/2020 3:45 PM EST
Sabti, Maarso, 14, 2020 (HOL)-Ibrahim Maxamed Xersi (Ibrahim Sudani) ayaa ku geeryaooday dalka Maraykanka qaasatan gobolka Minnesota , Allaha u naxariistee Macalinka ayaa daganaa dalkaan dhawr iyo tobankii sano ee ugu danabysay taariikhda macalin ibraahim ayaan ka soo xiganay Tababaraha xulka Qaranka kubadda kolayga Soomaaliya C/qadir Xaaji daahir (Shiikha) oo noo sheegay in uu qoray Maxmed busuri.
Dowladda Soomaaliya oo shir deg-deg ah ka yeelatay xanuunka Corona Virus ka dib markii laga helay wadamada Kenya iyo Itoobiya
3/14/2020 12:58 PM EST
Sabti, Maarso, 14, 2020 (HOL)- Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta shir-deg-dag ah oo ku saabsan ka hor-tagga xanuunka Corona Virus iskugu yeedhay hay’adaha iyo wadamada kale ee taageera Soomaaliya ka dib markii xanuunkan lagu arkay wadamada jaarka la ah Soomaaliya ee Itoobiya iyo Kenya.
Midowga Yurub oo maanta warbixin kasoo saaray xaaladda guud ee Soomaaliya
3/14/2020 9:26 AM EST
Sabti, Maarso, 14, 2020 (HOL)- Midowga Yurub ayaa maanta soo saaray warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya, waxayn sheegeen dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay xuduuda Kenya iyo Soomaaliya iyo ciidamada amniga ee dhowaan la geeyay gobolka gedo ay abuureen daganaansho la’aan iyo barakac ballaaran.
Rabshado ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Burco oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhawaacba leh
3/14/2020 2:12 AM EST
Sabti, Maarso, 14, 2020 (HOL)-Hal askari ayaa ku geeriyooday, saddex kalena way ku dhaawacmeen rabshado ka dhacay garoonka kubadda cagta ee magalada Burco
Somali News
Coronavirus: Ilhan Omar calls for lifting of sanctions on Iran amid outbreak
-
Middle East Eye
3/14/2020 2:21 PM EST
Congresswoman Ilhan Omar has renewed calls for the US to suspend sanctions against Iran, as the country's crippled health-care system struggles to deal with the rapid spread of the coronavirus.
Sudan health minister blames hospitals for Coronavirus belated diagnosis
-
Sudan Tribune
3/14/2020 9:52 AM EST
Akram Ali Eltom, Federal Minister of Health, regretted the failure of hospitals to quickly diagnose the first case of Coronavirus in Sudan.
3 Somalia soldiers killed during battle with al-Shabab militants
-
Xinhua
3/14/2020 9:34 AM EST
Three Somalia soldiers were killed and two injured on Friday after an ambush by al-Shabab militants in a base run by the army in Mahaday town, in Middle Shabelle region, an official said on Saturday.
Kenya to probe illegal sale of blood to Somalia
-
Capital FM
3/14/2020 7:59 AM EST
Health Cabinet Secretary Mutahi Kagwe, Thursday said blood donated by Kenyans has been traced to Somalia and other neighbouring countries in what appears to be a case of a criminal syndicate diverting the much-needed commodity for monetary gain/FILE/CFM - Moses Muoki
Could Kenya annex chunks of Somalia?
-
dw
3/14/2020 3:33 AM EST
A new theater of conflict emerged in East Africa when opposing Somali forces clashed on Kenya's border last week. Kenya has hinted that it could annex parts of Somalia to keep al-Shabab terrorists out of its territory.
BA says jobs will go as airline industry faces crisis 'worse than 9/11'
-
The Guardian
3/14/2020 1:04 AM EST
Coronavirus memo says British Airways will be ‘parking aircraft in a way we never have before’
Kenya, Ethiopia join expanding list of African states with coronavirus
-
Reuters
3/14/2020 12:23 AM EST
Kenya, Ethiopia, Sudan, Guinea and Mauritania all confirmed their first cases of the new coronavirus on Friday, giving the disease a foothold in 19 countries on the African continent.