Sabti, Maarso, 14, 2020 (HOL)-Hal askari ayaa ku geeriyooday, saddex kalena way ku dhaawacmeen rabshado ka dhacay garoonka kubadda cagta ee magalada Burco.
Garoonka Kubadda cagta ee Allamsey ee magaalada Burco oo shalay ciyaaro ka socdeen waxa rabshado sameeyey taageerayaasha labadda kooxood, waxaana taasi keentay in rasaas kor u ridaan ciidanka boolisku, waxaana halkaasi ku geeriyooday hal askari, waxaana ku dhaawacmay saddex qof oo uu ku jiro Taliyaha Saldhiga Aadan Saleebaan Kabtan Fu'aad, waxaana dhamaantood lagu daweynayaa cisbitaalka magaalada Burco.
Inta badan garoonnka kubadda cagta ee magaalada Burco waxa ka dhasha rabshado ay sameeyaan taageerayaasha garoonka iskugu yimid, kuwaas oo halis galisa amniga goobta ciyaartu ka socoto.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland