Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa ku biirtay dagaalka sicirka saliida iyadoo ku dhawaaqday qorshaheeda ku aaddan kor u qaadida wax soo saarka saliida ceyriinka ah qiyaastii 1 milyan oo fuusto maalintii laga bilaabo Abriil.
"Iyadoo la tixraacayo istiraatiijiyadeena kobcinta awoodda wax soo saarka ee uu shaaciyay Golaha Sare ee Batroolka, waxaan ku jirnaa meel aan ku bixin karno suuqa 4 milyan oo fuusto maalintiiba bishii Abriil," Shirkadda ay leedahay dowladda Imaaraadka ee Abu Dhabi National oil Company (ADNOC) ayaa sidaa ku tiri. Bayaan ay soo saartay.
UAE, oo xubin ka ah Ururka Wadamada Dhoofinta Shidaalka ee OPEC, ayaa soo saartay ku dhawaad 3.03 milyan fuusto oo saliid ceyriin ah bishii Janaayo, sida lagu sheegay warbixinta OPEC Suuqa Saliidda ee bisha Febraayo.
Go'aanka Wadamada Khaliijka ayaa yimid kadib markii Sacuudiga oo ah hoggaamiyaha OPEC iyo Russia oo aan ururkaan xubin ka ahayn ay ku guuldareysteen inay heshiis gaaraan Jimcihii si ay u xakameeyaan heerarkooda wax soo saarka si ay u taageeraan qiimaha suuqa.
In kasta oo lagu guul darraystay in heshiis la gaaro ayaa sababay hoos u dhaca sicirka saliidda Isniinta markii qiimaha uu hoos ugu dhacay heerarkiisi ugu hooseeyay muddo afar sano ah.