Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Hindiya ayaa Arbacadii maanta ku dhawaqday inay joojineyso dhammaan fiisooyinka safarka caadiga ah illaa iyo Abriil 15 si looga hortago sii faafitaanka cudurka coronavirus.
Amarkan ayaa wuxuu dhaqan gelayaa laga bilaabo, Maarso 13.
Go'aanka ayaa la qaatay ka dib kulan ay yeesheen wasiirrada ugu sarreeya si ay dib u eegis ugu sameeyaan xaaladda hadda jirta iyo maareynta COVID-19 ee dalka oo dhan.
“Dhammaan fiisooyinka jira, marka laga reebo kuwa diblomaasiyiinta, UNka, Hay’adaha Caalamiga ah, iyo mashraariicda, waa la joojiyay illaa 15-ka Abriil 2020,” ayaa lagu yiri bayaan rasmi ah oo soo baxay.
Bayaanka ayaa intaa ku daray in dhammaan dadka ka imaanayay ama soo booqday Shiinaha, Talyaaniga, Iran, South Korea, France, Spain, iyo Jarmalka wixii ka dambeeyay Febraayo 15, 2020 in la karantiilayo ugu yaraan 14 maalmood.
Ugu yaraan 60 kiis oo fayraska ah ayaa ilaa hada laga xaqiijiyey India, sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Aduunka. Tiradaas waxaa ku jira ugu yaraan 16 ajnabi, sida lagu sheegay bogga websaydhka Wasaaradda Caafimaadka ee Hindiya.
Go’aankaan Hindia kasoo baxay ayaa saameyn ku yeelan kara Dadka Soomaaliyeed ee Hindia u aada safarada caafimaadka iyo waxbarashada, inkastoo muddada la qabtay ay tahay muddo cayiman oo bil ah.