4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2020
Xukuumada Soomaaliya oo soo bandhigtay qorshaha wada xaajoodka dowlad goboleedyada ee arrimaha doorashooyinka
 

Isniin, Juun 08, 2020 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, ayaa shirka Guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay maanta kusoo badhigtay qorshe ku saabsan sidii loo wajihi lahaa wada xaajoodka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ee arrimaha doorashooyinka.

Soo Bandhigidda Qorshaha ayaa ka dambeysay amarkii Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ee ku saabsanaa dardargelinta arrimaha doorshooyinka si loo hubiyo in doorashadu ay waqtigeeda ku dhacdo.

Qorshahaan ayaa la filayaa in loo gudbiyo Golaha wasiirrada oo fadhiyadooda uga doodi doona, si uu dhaqan gal u noqdo loona billaabo in lagu howlgalo.

Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka  Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale looga hadlay hab-raaca dhameystirka wada xaajoodyada muhiimka u ah geedi socodka federaalaynta iyo demoqoraadiyadaynta dalka, awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee DF iyo dowlad gobaleedyada iyo iskaashiga heerarka dowladda ee Qabashada doorashooyinka 2020-2021.

Muddo 8 bilood ah ayaa ka dhiman doorashooyinka Soomaaliya, waxaana hadalkaan kasoo yeeray dowladda federalka uu gogol xaar u noqonayaa in dowladda federalka iyo dowlad goboleedyadu go'aan wadajir ah ka qaataan nuuca ay noqonayso doorashada soo socota.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]