4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 8 , 2020
Puntland oo ka hortagtay iskusoo baxyo lagu taageerayo madaxweyne Farmaajo oo ka dhicilahaa Bosaso


Isniin, Juun 08, 2020 (HOL) - Puntland ayaa ka hortagtay iskusoo baxyo lagu taageerayay madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo saakay lagu waday inay ka dhacaan qeybo kamid ah magaalooyinka Puntland.

Ciidamo badan iyo gaadiidka dagaalka ayaa lagusoo daadiyay magaalada Bosaso oo ah halka ugu weyn ee laga abaabulayay iskusoo baxyadaas, waxaana la xiray dariiqyada waaweyn iyo goobaha isku imaatinada.

Ciidamada amniga ayaa la faray inay tilaabo ka qaadaan cidii sameysa iskusoo bax uusan maamulku raalli ka ahayn, iyadoo dhinaca kale laga eegayay xaaladda caafimaad iyo halista faafitaanka cudurka Covid19.

Puntland iyo dowladda federalka ayaa waxaa ka dhextaagan yahay khilaaf siyaasadeed oo taagan muddo ka badan hal sano. Madaxwyne Deni ayaa hadda ka hor ku eedeeyay inay dowladda federalka abaabul kicin ah ka wado gudaha Puntland iyadoo adeegsanaysa dhalinyarada.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]