4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 8 , 2020
Xildhibaan Xasan Yare “ Dowladdu waa in siyaasaddeeda oo la taageero aysan halis u gelin caafimaadka shacabka”
 

Isniin, Juun 08, 2020 (HOL) - Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil “Xasan Yare” oo kamid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ee lagasoo doorto Jubaland ayaa waxa uu ka hadlay dibad-bixii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya kaas oo uu soo qaban-qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, waxa uuna sheegay inuu yahay mid halis ahaa marka loo eego dhowr sababood.

Waxa uu ugu horreyn tilmaamay in dibad-baxaasi lasoo abaabulay xilli khaldan, loona maray jid aan habooneyd oo khatar ku ah caafimaadka bulshada Soomaaliyeed oo ay aheyd in maamulka Gobolka Banaadir uu ka taxa-daro.

“Dibad-baxii dhacay wuxuu ahaa mid siyaasadeed oo aan aad looga fikirin xitaa caafimaadka shacabka “ ayuu u sheegay Idaacad Maxalli ah uu la hadlay.

Waxa uu dhinaca kale soo hadal qaaday hadalkii madaxweynaha ee arrinta maqaamka Muqdisho iyo helidda caasimadda matalaad siyaasadeed oo ay ku yeelato Aqalka sare, waxa uuna sheegay in marka hore loo baahanyahay in loo ogolaado shacabka Gobolka Banaadir in ay doortaan ciddii ay rabaan, kadibna ay masiirkooda matalaadda ay iyaga gacmahooda ku sameystaan.

Xildhibaan Xasan Yare oo ah mudane Baarlamaan oo ka aragti ah dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa aad loo hadal hayay maalmihii lasoo dhaafay, kadib markii uu Firinbi ka dhex yeeriyay fadhiga Gololaha shacabka xilli uu madaxweynuhu jeedinayay khudbaddiisa dastuurka ah ee furitaanka Kalfadhigii 7-aad ee Baarlamanka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]