4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2020
Cumar Filish "Muqdisho ammaankeedii waa la xaqiijiyay kantarooladana waa laga rarayaa"
 

Axad, Juun 07, 2020 (HOL) -  Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa sheegay in magaalada Muqdisho laga qaadidoono jidgooyooyinka magaalada gudaheeda dhexyaala lana gayndoono meel magaalada ka baxsan.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in ay tilaabadan sabab u tahay in la xaqiijiyay amniga magaalada Muqdisho, sidaas darteedna loo baahan yahay in shacabka laga dulqaado culayska waddooyinka xirxiran.

“Dadweynuhu waxay dareemidoonaan isbedel ka turjumaya in nabad la gaaray,” ayuu yidhi guddoomiye Cumar Filish.”

Wuxuu arintaan uga mahad celiyay dowladda Soomaaliya oo ku guulaystay inay ciidamada mushaarkooda si joogto ah u bixiso, ciidamaduna ay si daacad ah u gutaan waajibaadkooda qaran ee ka saaran sugida amniga.  

Hadalka guddoomiyaha gobolka Bnaadir ayaa kusoo aadaya iyadoo bulshadu cabsi kasii qabtay in magaaladu sii kala xiranto maadaama lagu jiro waqti kala guur ah oo doorashooyin dalka kusoo wajahan yihiin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]