4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2020
Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dib u hadlay xoriyadiisii kadib hal sano oo uu xirnaa
 

Sabti, Juun 06, 2020 (HOL) - Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo hal sano ka badan u xirnaa maamulka Somaliland, ayaa maanta dib u helay xoriyadiisii. Waxayna sii dayntiisu ku timid cafis uu u fidiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Weriye Coldoon oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka gaabsaday marxalada lagu jiro awgeed inuu ka hadlo sharci darradii lagu xiray iyo inuu saxaafada ka dhaleecayo Somaliland.

“Maanta halkaan uma imaan inaan sii daayo hadalo aargoosi ah. Waxaan ku iloobayaa marxalada maanta la marayo iyo inaan gacmaha is qabsano,” ayuu yidhi weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Coldoon ayaa sanad kahor lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah kadib markii lagu eedeeyay inuu aflagaado u geystay madaxda Somaliland iyo faafitaanta warar been abuur ah oo lidku ah midnimada Somaliland.

Waxaa uu sheegay sii dayntisisu inay ku timid kadib markii guddoomiyayaasha xibsiyada Wadani iyo Ucid ay madaxweyne Muuse Biixi horgeeyeen codsi ah in xabsiga lagasii daayo weriyaha, taasoo madaxweynuhuna aqbalay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]