4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 5 , 2020
Qaramada Midoobay oo sheegtay in 29 qof ku dhinteen roobab culus iyo fatahaadaha wabiyada Soomaaliya
 

Jimco, Juun 05, 2020 (HOL) - Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintey halka inka badan 1 milyan oo kale ay saameeyeen roobab culus iyo fatahaadaha wabiyada tan iyo markii roobabkii Gu'ga ee bilihii Abriil iyo May ka bilowdeen Soomaaliya sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani'aadamnimada (OCHA) ayaa sheegay in 418,000 oo qof ay ku barokaceen 29 degmo oo ku yaal daafaha Soomaaliya iyada oo hay'adaha gargaarka ay kor u qaaddey wax ka qabashada dadkaas ay saameeyeen fatahaadda.

“Roobabku waxay daad gureeyeen kumaan kun hektar oo dalag ah, taasoo sii xumaynaysa cunno la’aanta ee aagagga ay dhibaatadu saameysey,” OCHA ayaa warbixin ku sheegtay sidaas.

Hay’addu waxay sheegtay in roobabku ay sii kordhin karaan cudurada ka dhasha biyaha, gaar ahaan shuban biyoodka iyo daacuunka, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool degsiimooyinka dadku ku badan yihiin ee dalka.

Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hay'adaha gargaarka ay dardar geliyeen dadaallada lagu yareynayo saameynta ba'an ee roobabku ay ku yeesheen in ka badan 255,000 oo qofna lagu gaarey gargaar nafo lagu badbaadinayo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]