4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 3 , 2020
Soomaaliya oo dhowaan fureysa duullimaadyadii caadiga ahaa ee dalka
 

Arbaco, June 3, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in ay qorsheyneyso in dib loo furo howlihii duulimaadyada caadiga ahaa ee garoomada diyaaradaha dalka,  sida lagasoo xigtay wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA.

"Soomaaliya waxay iminka si fiican uga baaraan-degeysaa in dib loo furo duulimaadyadii caalamiga ahaa iyo kuwa  maxalliga ah ee dalka"  ayuu mid kamid ah saraakiisha hay'adda duulimaadka rayidka ah ee Soomaaliya u sheegay HOL, isagoo ka gaabsaday in aan magaciisa shaacinno.

"Dhowaan waxaa jirtay qorshe soo jeedin ah oo ay soo diyaariyeen golaha wasiirrada,  innagana dhankiinna ka hay'ad ahaan waxaan sameynay warbixin arrintaasi la xiriirto,  waxaana uu qorshuhu yahay in ugu horreyn duulimaadyada gudaha aan ku bilowno diyaarado dhowr ah, kadibna waxaa la furayaa duullimaadyadii dibadda " ayuu mar kale mas'uulkaasi u sheegay Hiiraan Online.

Maalmo ka hor waxaa kulan looga hadlayo arrinta dib loogu furayo duulimaadyada yeeshay wasiirka  wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Salaad Oomaar iyo mas'uuliyiinta hay'adda duulimaadyada rayidka ah ee Soomaaliya,  laakiin ma jirin maalin rasmi ah oo lagu go'aamiyay in la furayo duulimaadyada rayidka ah, sababo la xiriiro arrimo qaas ah oo uu ka gaabsaday mas'uulka HOL la hadlayay in uu innala wadaago, balse uu ku sheegay arrimo farsamo.

Soomaaliya ayaa joojisay duullimaadyadii caadiga ah billowgii bishii Maarso, sababo la xiriira xanuunka COVID-19.  Laakiin dhaqaalaha dalka ayeey arrintaasi saameyn adag ku yeelatay,  sida lagasoo xigtay wasaaradda maaliyadda.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]