4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 29, 2020
Maxkamadda ciidamada oo maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda kiis dilal ah oo askar boolis ah loo haaystay
 

Isniin, Juun 29, 2020 (HOL)-Waxaa maanta maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya kasoo hormuuqday askari ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku eedeysan dilkii ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho 1-dii bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay .

Askariga eedeysanaha ah ayaa lagu magacaabaa dable Xasan Aadan Xasan, waxaana loo haaystaa dilka Allaha U Naxariistee Xasan Cali Caddaawe iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi.

Dacwad soo oogayaasha dowladda iyo baarayaashii kiiska ayaa maxkamadda horkeenay natiijada baaritaankii ay sameeyeen, waxana ay sheegeen in dilkaasi uu ahaa mid ula kac ah.

Dhinaca kale qareenka eedeysanaha ayaa ka codsaday garsoorka maxkamadda in diyada dadkii dhintay laga qaado taliska booliska Soomaaliya, askarigana dib loogusoo celiyo xorriyaddiisa, maadaama uu ka shaqeynayay shaqo qaran si kas ahna uusan u dilin labadaas marxuum.

Doodda labada dhinac kadib garsoorka maxkamadda ayaa sheegay in uu dhammaaday dhageysiga kiiska maxkamaddana ay go’aan ka gaari doonto dhowaan.

Dilkii bilowgii bishii Ramadaan ka dhacay Isgoyska Jubba ayaa waxa uu dhaliyay caro xooggan iyo dibad-baxyo sababay in bandowgii saarnaa caasimadda xilliyada habeenkii ah sababo la xariira COVID-19 uu bur-buro.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]