4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 29, 2020
Barlamaanka Puntland oo madaxweyne Deni u sheegay in uusan aadin shirka Muqdisho
 

Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Barlamaanka Puntland ayaa ugu baaqay madaxweyne Deni iyo xukuumadiisa in aysan ka qeyb galin shirka madaxweynaha dowlada federalka ku qabanayo Muqdisho, illaa inta laga saxayo waxay ugu yeereen xad gudubka loo geystay sharuucda iyo xeerarka doorashada.

Baaqaan ayaa qeyb ka ah go’aan kasoo baxay barlamaanka Puntland, kaasoo loogasoo horjeestay dhammaan xeerarkii uu meel mariyay golaha shacabka, sida kuraasta gobolka Banaadir, Koontada dumarka iyo xeerarka kale.

Barlamaanka Puntland wuxuu sheegay haddii gobolka Banaadir uu kuraas helo, in gobolada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle ay ka maqan yihiin xuquuq lamid ah.

Go'aanka barlamaanka waxaa lagu sheegay in Puntland ay qaadanayso tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo jiritaankeeda, Waxayna ugu baaqeen aqalka sare in uusan meel marin xeerarka aqalka hoose kasoo baxay.

Halkan ka akhriso bayaanka barlamaanka Puntland.




Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]