4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 27, 2020
Guddiga qaran ee doorashooyinka Soomaaliya oo maanta sii daynaya warbixinta ku saabsan doorashoyinka
 

Sabti, Juun 27, 2020 (HOL) - Golaha shacabka ee baarlamaanka ayaa maanta yeelan doona kulan muhiim ah. Guddiga doorashada ayaa golaha baarlamaanka warbixin kooban ka siin doona wixii ku soo kordha doorashooyinka dalka iyo arrimaha ku xeeran.

Sidoo kale golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa go’aamin doona maqaamka caasimada, kadib markii in ka badan 130 xildhibaan ay gudbiyeen mooshin ay ku dalbanayaan in gobolka Banaadir uu ka helo mataalad badan aqalka sare.

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa isna guddiga doorashada uga digay inuu doorashada ku go’aamiyo xeerar uu sheegay in la marin habaabiyay, xeerarkaas oo ku saabsan dhameystirka sharciyadda doorashooyinka.

Dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa iyagana dhegta u taagaya waxa kaso baxa warbixnta guddiga doorashooyinka, taasoo saameyn xoogan ku yeelandoonta shirka wadatashiga doorashooyinka ee Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]