4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 23, 2020
Dowladda Soomaaliya oo dhowaan bixineysa Laysinka diyaaradaha
 

Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda gaaddiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad “Oomaar” ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhowaan billaabi doonto bixinta Laysinka diyaaradaha iska diiwaan-gelinaya gudaha waddanka.

Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in sharci muddo dheer laga shaqeynayay uu hadda marayo meel gabogabo ah, dhowaanna bulshada Soomaaliyeed ay arki doonaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo diyaarad siin doona Laysinkii ugu horreeyay oo ay Soomaaliya bixiso.

“Sida aad la socotaan soo celintii diyaaraddii Somali Airline waxay ku xirneyd in Soomaaliya ay bixin kareyso Laysin, taas hadda ayaa lasoo gabagabeynayaa, sida aad la socotaanna dhammaan diyaaradaha ka shaqeeya dalka waxay ka diiwaan-gashanyihiin dalal kale, Kenya-ba ha ha u badnaadaane” ayuu yiri wasiir Oomaar.

Soomaaliya oo kasoo kabaneysa colaado muddo dheer soo jiray, waxaa hadda muuqanaya in qeybo kamid ah hannaankii dowladnimo ay dib usoo noqonayaa 10-kii sano ee u dembeeyay, laakiin waxaa la eegayaa goorta mar kale dib loo howl-galin doono diyaaraddii Somalia Airline.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]