7/3/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 23, 2020
Ciidamada dowladda oo toogtay ismiidamiye doonayay inuu isku qarxiyo Dugsiga tababarka Turkey Som


 

Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - Ciidamada Ilaalada Dugsiga tababarka Turkey Som ayaa toogasho ku dilay dhagarqabe doonayay in uu isku qarxiyo dhallinyaro arday ah oo doonayay in ay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciiddanka xoogga dalka, General Odowaa Yuusuf Raage, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in ilaalada amniga ay toogteen ninka ismiidaamiyay  oo isku dayayay inuu galo xarunta milateriga.

"qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu soo dhexgalo dhallinyaro Jaamacaddaha kasoo baxay oo doonayay in ay ciidamada kusoo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay kahor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda " ayuu yiri Gen Odawaa.

Wuxuu intaas ku daray inaysan jirin askar Soomaali ah ama muwaadiniin Turki ah oo lagu dilay ama ku dhaawacmay weerarka.

Ma jirto koox weli sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda al-Shabaab ayaa lagu yaqaanaa weerarada caynkaan oo kale ah.

Xarunta tababarka militariga Turkiga waxaa laga dhisay sanadkii 2017 caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Waxay tababbarka siisaa ciidamada amniga Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
6/23/2020 9:55 AM EST
Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - Puntland iyo Somaliland ayaa hawada isku mariyay hadalo dhalleecayn ah oo ka dhashay kadib markii maalmo kahor madaxweynaha Puntland uu Somaliland ugu baaqay inay ka baxaan gobolka Sool.

6/23/2020 8:25 AM EST
Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay agagaarka Akadeemiyada Tababarka Ciidamada ee TURKSOM ee magaalada Muqdisho.

6/23/2020 5:30 AM EST
Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - War lagu qoray mareegaha wararka ee taageera Ururka Alshabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka dembeeyeen qaraxii dhowaan ka dhacay saldhigga tababarka Ciidamada qalabka sida ee Turkey Som .

6/23/2020 5:18 AM EST
Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda gaaddiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad “Oomaar” ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhowaan billaabi doonto bixinta Laysinka diyaaradaha iska diiwaan-gelinaya gudaha waddanka.

6/23/2020 1:57 AM EST
Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii meel mariyey qaraar lagu cusbooneysiinayo waajibaadka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) ilaa Agoosto 31, 2020.

6/23/2020 1:56 AM EST
Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - War-murtiyeedkii shirkii Jabuuti lagasoo saaray xalay saq dhaxe ayaa lagu daray qodob aan horey ugu jirin oo ahaa kii ugu adkaa intii shirku socday.