4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2020
80 sano kadib markii ugu horeysay oo la filayo in Xajka uu baaqdo
 

Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Iyada oo ay sii kordhayaan kiisaska coronavirus, Sacuudi Carabiya ayaa la rajaynayaa in ay joojiso ama dib u dhigto sanadkaan gudashada waajibaadka xajka markii ugu horeysay tan iyo 1932.

In kasta oo go'aan aan wali la shaacin, ayaa ummadaha muslimiinta ah lagu soo waramayaa in ay ku riixayaan boqortooyada in ay waxbadan bixiso.

Mar uu la hadlayey warbaahinta caalamiga ah, sarkaal Sucuudi ah ayaa la sheegay in dib u dhaca ku dhawaaqida go'aankiisa uu muujinayo in mas'uuliyiinta ay fahmeen cawaaqib xumada siyaasadeed ee ka hor tagga xajka ama yareynta cabirka dhibaatada.

Sarkaalku wuxuu intaa ku daray in xitaa haddii daqiiqada ugu dambeysa mas'uuliyiinta Sucuudiga ay sheegaan inay diyaar u yihiin gudashada xajka oo dhameystiran, dalal dhowr ah aysan helidoonin boos ay kaga qeybgalaan. Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in iyada oo xajka ay inta badan tegidoonaan dadka maxalliga ah sannadkan sababta oo ah joojinta  duullimaadyada caalamiga ah.

Wadamada ay ka mid yihiin Indonesia, Malaysia, Senegal iyo Singapore ayaa ka baaqsanaya Xajka sanadkaan. Indooniisiya, oo ah dalka ugu dadka badan muslimiinta ayaa u dirta in ka badan 2,20,000 oo qof sannad kasta Xajka.

Si kastaba ha noqotee, Fachrul Razi, wasiirka arrimaha diinta ee Indonesia wuxuu yiri intii lagu gudajiray shir-jaraa'id, "Dowladdu waxay go'aansatay inay baajiso Xajka 2020, iyagoo ku eedeeyay in ee Sucuudiga uu ku guuldareystay in ay bixiyaan hubin.

“Tani waxay ahayd go'aan aad u qadhaadh oo adag. Laakiin waxaa na saaran waajib ah inaan ilaalino dadka xajka iyo shaqaalaha Xajka,” ayuu yidhi sarkaalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]