4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2020
Madasha Xisbiyada qaran ee Soomaaliya “Itoobiya waxay ku xad-gudubtay madax-bannaadida Dalka”
 

Talaado, Juun 16, 2020 (HOL) - Madasha Xisbiyada qaran ee dalka ayaa war ay soo-saareen waxay ku taageereen codsigii 13-dii-May ee sanadkaan ee Golaha ammaanka ee Qaramada midoobe kaas oo ku saabsanaa in ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn howl-galka midowga Afrika ee Soomaaliya  laga saaro waddanka.

Warka kasoo baxay axsaabta midoobay ee mucaaradka ah ayaa waxaa lagu yiri “ Madashu waxay aad ugu mahad-celineysaa in la caddeeyay tirade rasmiga ah ee Ciidamada howl-galka midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya oo gaaraya 19,226 askari”.

Ciidamada Amisom ayaa sharciyad u haaysta in ay Soomaaliya ka howl-galaan illaa laga gaaro 28-ka February ee sanadka soo socda.

Madasha xisbiyada ayaa sidoo kale sheegay in ay u muuqato in lagu xad-gudbay madax-bannaanida dalka, qaranimada iyo cuna-qabateyntii Soomaaliya la saaray sanadkii 1992-dii.

Qoraalkaan oo ah mid ku socday beesha caalamka ayaa waxaa lagu xusay in Il gaar ah lagu hayo fara-gelin la sheegay in Itoobiya ay ka waddo Soomaaliya.


Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]