4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 15, 2020
Madaxweyne Deni oo maanta ka hadlaya gogasha madaxweyne Farmaajo dhigay Muqdisho iyo shirkii Jabuuti
 

Isniin, Juun 15, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta furaya kalfadhiga barlamaanka Puntland, xilli qaar badan oo katirsan golaha wasiiradda iyo saraakiil katirsan madaxtooyada laga helay cudurka Corona virus.

Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa inuu kalfadhiga ka sheego mowqifka Puntland ee wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland iyo gogasha madaxweyne Farmaajo uu dhigay Muqdisho, taasoo looga tashanayo doorashooyinka.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa horey u sheegay in wada hadalka Soomaaliya iyo  Somaliland ujeedada laga leeyahay ay tahay in Soomaaliya loo kala qeybiyo waqooyi iyo koonfur, taasina ay tahay sababta Puntland oo  muran dhuleed uu kala dhaxeeyo Somaliland aan laga talo galin shirka.

Puntland waxay sheegtay, heshiiska oo dowladda Soomaaliya la gasho Somaliland in uusan socondoonin oo ay ka hor imaandoonaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]