4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 15, 2020
Madaxda Soomaaliya iyo Somaliland oo maalintii labaad kuwada hadlaya Jabuuti
 

Isniin, Juun 15, 2020 (HOL) - Waxaa maalintii labaad dalka Jabuuti ka dhacaya wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo ay ka qeyb-galayaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi,  waxaana shirkaan looga hadlayaa aayaha midnimada labada dhinac iyo masiirka Soomaaliya.

Somaliland ayaa sanadkii 1991-dii ku dhawaaqday gooni isu-taag,  iyadoo sheegtay in midnimadii kala dhexeysay koonfurta Soomaaliya ay dib ula soo laabatay.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa warbaahinta u sheegay isagoo Jabuuti jooga in Somaliland ay miiska soo saartay tabasho,  balse lagu han weynyahay in xal loo helo.

Shirkaan oo shalay bilowday ayaa xalay laga soo saaray war saxaafadeed 4 qodob ka kooban.

Waxaa lagu wadaa in maanta lagusoo gabagabeeeyo wejiga hore ee shirkaan,  waxaana la dhisi doonaa sida hadafku yahay Guddiyo farsamo oo wada-hadalladan kasii shaqeeyo oo uu fadhigoodu noqonayo magaalada Jabuuti.

Dowladaha Mareykanka,  Jabuuti,  Midowga Yurub iyo Itoobiya ayaa shirkaan gadaal ka riixaya,  walow mucaaradka siyaasadda Soomaaliya ay u arkaan shirkaan hadda bilowday mid uu madaxweyne Farmaajo ku galayo ol-olaha doorashada soo socota.

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]