4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 15, 2020
Militiriga Soomaaliya oo sheegay iney dileen seddex hoggaamiye oo Al-shabaab ah
 

Isniin, Juun 15, 2020 (HOL) -  Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen 13 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab kadib dagaal ka dhacay Gobolka Jubbada hoose ee koofurta dalka,  sida uu xaqiijiyay sargaal katirsan militiriga oo la hadlay wakaaladda wararka Shiinaha.

Dagaalka ayaa dhacay sabtidii aan kasoo gudubnay.

Cali Maxamed oo ah taliyaha qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga dalka ayaa Weriyaasha u sheegay in howl-galkaas ay si xirfadeysan u fuliyeen.

"Howl-galku wuxuu ahaa mid laga fuliyay mid laga fuliyay duleedka Afmadow, wuxuuna ahaa iska horimaad toos ah oo u dhexeeyay ciidamadeenna iyo maleeshiyada Al-shabaab,  militiriga dowladda ayaa waxay ahaayeen kuwa dagaalka uga gacan sarreeyay dhinaca kale waxaana ku dilnay 13 ruux oo ay kamid ahaayeen seddex hoggaamiyayaal sare ah oo Al-shabaab ka tirsan "

Wuxuu intaa ku daray in sidoo kale ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay ka furteen dhinacii kale ee la dagaallamay.

Dadka tuulada Banka Jira oo ku taalla duleedka Afmadow oo qaar kamid ah la hadlay wakalaadda wararka Shiinaha ayaa xaqiijiyay jiritaanka dagaalkaas.

"Ciidamada ayaa weeraray Al-shabaab oo ku sugnaa deegaankaas,  waxaana maqalnay dhawaqa hub culculs " ayeey Hinda Aaden oo ah dadka deegaanka u sheegtay wakaaladda wararka u faafisa Shiinaha

07-dii bishan June ciidamada dowladda  ayaa horay u sheegtay in weerar ay ku qaadeen Al-shabaab duleedka magaalada Xudur ee koofur galbeed Soomaaliya ay ku dileen 37 dagaallame.

Isha warka: Wakaaladda Wararka Shiinaha.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]