4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 12, 2020
Madaxweyne Qoor Qoor “Galmudug waxay yeelaneysaa ciidamo adag oo ammaanka la wareegaya dhowaan”
 

Jimco, Juun 12, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu sheegay in ay dhisayaan ciidamo adag oo ka hor taga Al-shabaab, kuwaas oo ka howl-galaya deegaannada maamulkaas ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

“Waxaan dhiseynaa ciidamo boolis ah iyo kuwa daraawiisha ah oo aad u adag islamarkaana leh tababarro casri ah oo ku filan “ ayuu madaxweyne Qoor Qoor u sheegay warbaahinta.

Waxa uu sidoo kale qiray in hadda wasaaradda ammaanka maamulkaas oo taageera ka heleysa mas’uuliyiinta sare ee Galmudug ay hadda shaqadaasi waddo, kuna howlantahay mideynta iyo isu-keenidda ciidamadaasi la filayo in dhowaan Galmudug ay yeelato.

Todobaadyadii ugu dembeeyay waxay wasaaradda amniga Galmudug la wareegeysay maleeshiyaad hubeysan iyo barahii ay ku shaqeyn lahaayeen, iyadoo wasiirka amniga Axmed Macallin Fiqi oo sheegay in ku howlanyihiin dhismaha ciidamada Galmudug.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]