4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 12, 2020
Dowladda Mareykanka oo digtay mawaadinteeda ku nool dalka Jabuuti

Jimco, Juun 12, 2020 (HOL) - Safaaradda Mareykanka ee dalka Jabuuti ayaa qoraal ay soo saartay uga digtay mawaadiniida ku nool dalka Jabuuti.

Digniitaas ayaa salka ku haysa dibad-bax ballaaran oo ay mucaaradka dalka Jabuuti ku ballameen in ay maanta oo jimca ah  ka dhigaan magaalada Jabuuti.

Safaaradda Markeykanka ayaa qoraalkaas ku sheegtay in mawaadiniita aysan tagin xaafadaha kala ah:

PK12, Hayablay, Balbala, Sheekh Muuse iyo Garoonka Guuleed. Waxaana laga cabsi-qabaa in dib-baxa maanta ka dhicidoona magaalada Jabuuti in ay ka dhashaan rabshado

Dibad-baxa maanta ka dhacayo magaalada Jabuuti ayaa wuxuu jawaab u yahay xariga iyo waliba jir-dilka loo geystay Duuliye Fu’aad Yusuf oo ku xiran xabsi ku yaala magaalada Jabuuti.

Dowladda Mareykanka ayaa saldhig miltari ku leh dalka Jabuuti

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online