4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 11, 2020
Shirkii golaha wasiirrada Soomaaliya oo maanta baaqday
 

Khamiis, Juun 11, 2020 (HOL) - Warka la xiriira baaqashada kulankii Khamiis-laha ahaa ee golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa waxa uu soo baxay xalay saqdii dhexe kadib markii xubnahii ka qeyb-geli lahaa ay Hiiraan Online u sheegeen in ay heleen farriimo loogu sheegayo in uu kulanka la baajiyay.

Maalin kasta oo khamiis ah ayaa waxaa kulma golaha wasiirrada,  waxayna ka hadli jireen howlaha shaqada ee Golaha xukuumadda ee Soomaaliya.

Baaqashada shirka wasiirrada Soomaaliya ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli laga fikirayo  xaaladda kala guurka ah ee dalka.

Lama oga in arrimahaasi sababa la xiriira uu shirkaasi u baaqday iyo in kale,  walow aysan illaa iyo hadda jirin war kasoo baxay xafiiska Ra'iisul wasaaraha.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]