4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 11, 2020
Wufuud kala duwan oo ku sii qulqulaya degaano xiisad colaadeed ka taagan tahay degaanka Hawdka
 

Khamiis, Juun 11, 2020 (HOL) - Degaanada Ceegaag iyo Horufadhi oo ka kala tirsan Buuhoodle iyo Caynaba ayaa xiisad colaadeed oo ka taagnayd todobaadkan sidii xal looga gaadhi lahaa.

Madax dhaqameed, Cuqaal, Culimo iyo waxgarad kala duwan ayaa gaadhey labadan magaalo iyadoo ay labada beelood kala dhex joogaan ciidan gurmad ahaan uga tegey magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Wasiirka wasaarada Arimaha Debeda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir ayaa maanta magaalada Laascaanood ka amba bixiyey wefti Cuqaal iyo waxgarad uu hogaaminayo Cabdilaahi Garaad Saleebaan, kuwaas oo maanta ku wajahan Ceegaag oo ku dhowaad 100Km u jirta, iyadoo halkaasi ay kula kulmi doonaan Boqor Cabdilaahi Axmed Cali.

Sidoo kale waxaa degaanka Horufadhi ku sugan Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale Qambi mudo laba maalmood ah si uu qayb uga noqdo xakamaynta colaada labada beelood oo haatan u muuqata mid xakamaysan.

Colaadan labada beelood u dhexaysa ayaa ka bilaabantay tuulada Gocondhaale oo kontomeeyo kiilomitir w/bari Buuhoodle kaga aadan  kadib markii dabley hubaysan nina ku dileen midna ku dhaawaceen, Dhinaca kalena Buuhoodle laba ay hayb wadaag yihiin kuwii waxyeelada geystey lagu dhaawacay.

Colaada labada beelood oo soo noqnoqtay sanado badan dad badana ay ku naf waayeen ayaa laga cabsi qabaa in ay markale faraha ka baxdo taasina waa ta keentay in si wadajir ah gurmad loo dhan yahay lagaga hortago.


Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood