4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 10, 2020
Booliska magaalada Beledweyne oo hor istaagay bannaan-bax lagu taageeri lahaa hadalkii dhowaan uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Baarlamanka


Arbaco, Juun 10, 2020 (HOL) - Taliska Booliska Beledweyn iyo maamulka Gobolka Hiiraan ayaa maanta hor istaagay bannaan bax la doonayay in lagu taageero madaxweyne Maxamed Cabduulaahi Farmaajo, kaas oo la filaay in uu ka dhaco magaaladaasi.

Taliyaha Booliska Gobolka Hiiraan Cali Dhuux Cabdi Mahadalle oo saxafiyiinta magaalada Beledweyne la hadlay ayaa si cad u sheegay in aysan marnaba suura-gal aheyn in la qabto dibad-bax aysan la socon laammaha nabad-gelyada Gobolka , gaar ahaan booliska magaalada Beledweyne, ciddii arrimaasi isku dayda amma soo qaban-qaabiso ay dhigi doonaan jeelka.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka ammaanka Maamulka Gobolka Hiiraan oo isagana warbaahinta kula hadlay goobo loo qorsheeyay in dibad-baxayaasha la hor istaagay loogu khudbeeyo ayaa dhinaciisa sheegay in aysan marnaba suura-gal aheyn mudaharaad aysan la socon laammaha ammaanka  maamulka Gobolka in magaalada lagu qabto.

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa waxay sheegayaan in waddooyin badan la dhigay ciidan, meelaha qaarna aad loo xaddiday dhaqaqaaqa sida ay HOL u sheegeen ilo madax bannaan.

Lama oga in taliska booliska Gobolka Hiiraan iyo maamulka kaliya ay arrintaan ku koobantahay iyo in madaxda saree e Hirshabeelle ay amarkaan soo saareen. Laakiin joojinta mudaharaadkaan lagu taageerayay Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xilli xiriirka Hirshabeelle iyo dowladda dhexe uu wanaagsanyahay.

Dowladda dhexe ayaa hadda u baahan taageerada dowladaha qeybta ka ah faderaalka Soomaaliya si loo qabto doorasho hannaankeeda la isku waafaqsanyahay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]