4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 1 , 2020
Dowlada Jabuuti oo deeq raashin ah ku wareejisay maamulka Hirshabeelle


Isniin, June 1, 2020 (HOL) - Deeq raashin ah oo gaareeysa 90 tan ayaay dowlada Jabuuti ugu deeqday dadkii ka barakacay fatahaada magaalada Beledweyne, waxaana deeqda lagu wareejisay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Raashinka ayaa isugu jira bur, bariis, sonkor iyo adeegyo kale oo muhiim u ah nolosha bani'aadamka. Waxaana si hordhac ah loo wareejiyay 3 tan oo kamid ah raashinkaas.

Korneeyl Maxamed Barqad oo ka socday ciidanka dalka Jabuuti oo raashinka ku wareejiyay maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in deeqdan aay ugu talagaleen shacabkii ka barakacay fatahaada Beledweyn, waxaana uu sheegay in codsigan uu ka yimid ciidankooda ku sugan magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa u mahadceliyay shacabka iyo madaxda dowlada Jabuuti sida mar walba aay u garab taaganyihiin shacabka Hirshabeelle. Waxaana uu lawareegay deeqda ka timid dalka Jabuuti.

Dowlada Jabuuti ayaa noqoneeysa dowladii ugu horeeysay ee gurmad u fidisa shacabka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaada wabiga Shabeelle.

Abdirisak M. Abdulle, Hiiraan Online