4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 3 , 2020
Mahdi Guuleed “Suura-gal maaha in mar kasta seddex sano kadib la wiiqo Baarlamanka oo masiirka dalka 10 nin qaataan”



Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu sheegay in ay tahay wax aan la aqbali Karin, in marka lasoo gaaro waqtiyada kala guurka ah Baarlamanka dalka awooddiisa la dhimo oo masiirka qaranimada iyo jiheynta aayaha dowladnimada loo doonayo 10 ruux oo keliya, taas oo ka horimaaneyso hannaanka dowladnimada sida uu sheegay.

Guuleed ayaa sheegay loo baahanyahay in la fahmo shaqada Baarlamanka oo ah iney mas’uul matala yihiin shacabka, shaqo kastana ay waajib tahay in la horgeeyo iyaga.

” Ha aqbalina Baarlamaanoow markii aad Saddex sano jirtaan kala taga ha aqbalina in 10 Nin masiirka dadka matalaan,ha aqbalina in 10 Nin Sharci dejiye noqdaan in 10 Nin siyaasadda dalka hoggaamiyaan,balse ogaada in waxa ugu dambeeya ee loo laabanayo ay yihiin Baarlamaanka” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa hadalkaan ka jeediyay munaasabad lagu taageerayay xildhibaannadii meel mariyay matalaadda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir uu ku leeyahay Aqalka sare, waxa uuna hadalkiisa kusoo aadayaa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala guur ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]